Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo-Dood Adag Oo Ku Saabsan “Wadahadalka Somaliland iyo Somalia, Mala Sii Wadi Karaa”

Hargeisa(GNN):-Bandhiga Doodan oo ay soo agaasintay xarunta lagu magacaabo Inspring Group oo ah dhalinyar iskood isku xilqaantay oo u dhashay dalka somaliland  ayaa lagaga doodayey in lasii wadi karo Wadahadalka somaliland iyo Somalia.

Waxaana Madashan Doodan lagu Soo martiqaaday.

Ka Qayb Gala-yaasha
1-Eng Maxamed Xaashi Cilmi
2-Prof Axmed Ismacil Samater
3-Maxamed Cabdi Abyan
4-Xirsi Xaji Cali Xassan
5-Sucaad Carmiye
6-Maxamuud Xaashi Cabdi

Halkan ka Daawo Muuqaalka Dooda Oo Dhammaystiran.

https://youtu.be/vzMcowzMB7s

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

%d bloggers like this: