Daawo-Isimadda Dhaqanka Gobolka Sanaag Oo Wasiiro Ku Soo Dhaweyeen Gobolka Saaxil+Ujeedada Ay U Socdaan.

Berbera(GNN):-Waftigii Ay Hor Kacayeen Wasiirka Wasaarada Xidhidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Haaji Aadan Cilmi Iyo Wasiirada Wasaaradaha Cadaalada Iyo   Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Abdirisaaq Cali Ayaanle Ee Ahaa Waftigii Iskugu Jiray Salaadiin Cuqaal Waxgarad Isino oo dega bariga Gobalka Sanaag  deegaanada ay kamidka yihii Badhan, Dhahar, Ceelaayo, Ayaa Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey duleedka Barri Ee Magaalada Berbera

halkaasi Oo Ay Kusoo Dhaweeyeen Masuuliyinta Gobalka Iyo Ka Degmada Berbera Waxaana ku sugnaa Magaalada berbera Madaxwayne Kuxigeenka JSL Abdiraxmaan Abdilaahi Ismaaciil Saylici Oo Kulan La Qaatay Salaadiintan iyo bahda dhaqanka oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidh horumarinta dalka iyo sidii loo dabooli lahaa wixii baahiyo ah ee ka jira deegaanada ay kasoo jeedaan.

iyadoo wakhtigan ay jiraan deegaano badan oo dalka ah oo ay ka jiraan xaalado biyo la’aaneed iyo abaar baahsan oo ku habsatay.