Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Inantiisii Xabsiga La Dhigay Iyo Sababta Loo Xidhay

Xukuumada somaliland ayaa dad gaadhaya sideed qof u xidhay hawl gal ay ciidamada amaanku ka sameeyeen deegaanka laga hirgelinayo madaxtooyada cusub.

Sida ay sheegayaan warar laga helay dadka loo xidhay inay ka horyimaadeen amar lagaga raray dhulka la dhisayo madaxtooyada cusub ayaa waxa ka mid ah Inan(Gabadh) uu dhalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Wararka Aanu Helayno ayaa xaqiijiyey in Nasiim Maxamed Muuse oo uu dhalay wasiirka warfaafinta somaliland isla markaana ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala wasaarada Warfaafintu ay ka mid noqotay dadka ay ciidanku xidheen, iyada oo la sheegay in qaar ka mid ah eheladeeda oo goobta deganaa ay u tagtay.

Wasiirka warfaafinta somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo qayb ka mid ah eheladiisu ay ku doodayaan dhulka ay xukuumadu doonayso in laga hirgelinayo madaxtooyada cusub ayaan ilaa hada ka hadal talaabada xukuumadu ay xabsiga ku dhigtay dadka ay inantiisu ku jirto.

 

GNET

%d bloggers like this: