Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wufuud ay Kala Hogaaminyaan Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia Oo Ku Sugan Khaliijka

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa khamiistii safar shaqo ugu kicitimay dalka Isu-tagga Inaaradka Carabta. Halka shalayna Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo looga yeedhay Sucuudiga.

Socdaalka Madaxweyne Biixi ayaa salka ku hayaa martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo diyaar gaar ah u soo diray, taasi oo ka qaaaday Madaxweynaha iyo waftigii la socday Cigaal International airport.

Mar uu la hadlaayay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin xaaji Maxamuud xiir faratoon warfidiyeenka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu safar shaqo labba ilaa hal maalin ah ku maqnaan doono AUE kaasi oo arrinaha labbada dal khuseeya ay ka soo wada xaajoon doonaan.

Waftiga waxaa ku wehelinaayay Madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka horumarinta Qorshaynta.

Geesta Kala Madaxeyne Farmaajo ayaa shalay booqasho rasmi ah ka helay dalka Boqortooyadda Sucuudga oo la filaayo inuu kanwada hadlaan arrimaha dhoofka xoolaha.

Labadan dal ee ku bahoobay quwadda Khaliijka ayaan la garan karin sabbata ay iskugu beegeen safarka labbada dowladeed ee somalia iyo somaliland.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: