Boqorka Sacuudiga Oo Ku Baaqay Labo Shirwayne Oo Deg Deg Ah + [ Sababta ]

Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.

Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay “khatar” uga imaanaysa Iran.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku saabsan yahay “dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka”.

Ilo wareedyada ayaa intaas ku daray in baaqaan uu imaanayo “ayadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen labo xarumood oo kuwa shidaalka ah oo Sacuudigu leeyahay”.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore shaacisay in afar kamid ah doonyaheeda ay waxyeello soo gaartay xilli ay marayeen meel u dhow biyaha Imaaradda Fujayrah. Sacuudiga ayaa asna caddeeyey in laba doomood oo ay leedahay, ay kamid ahaayeen doonyaha waxyeelladu soo gaartay.

Illaa iyo hadda lama oga in Xuutiyiinta, oo dagaal kula jira isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiya ee ku sugan Yemen, ay ka dambeeyeen weerraradaas ka dhacay biyaha Imaaraadka.

Imaaraadku wax faahfaahin ah kama bixin nooca uu ahaa weerarka iyo waliba cidda ka dambaysay.

Maalmo uun kadib weerarkaas ayaa xarumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay qaraxyo lala beegsaday, Xuutiyiinta ayaana dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday diyaarado aan duuliye lahayn oo gantaallo ku ganay, waxay sidoo kale weerar ku qaadeen diyaarado marayey hawada Imaaraadka Carabta.