Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Oo Ilmo Yar Ka Soo Samatabixiyay Musqul Isagoo Nool + [ Sawiro ]

Hargeysa (GNN):- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Image may contain: one or more people and bird

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Image may contain: shoes

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.

Image may contain: 1 person, outdoor

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

Image may contain: one or more people and shoes
Image may contain: one or more people and shoes
Image may contain: 3 people, people standing and stripes
Image may contain: 1 person, standing, sky, child and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, tree and outdoor
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: one or more people
Image may contain: one or more people, people sitting and child
Image may contain: one or more people, people sleeping and child

%d bloggers like this: