Daawo :-Shacab Reer Wajaale Oo Wacdaro Sii Muujiyay Ay Ugu Diyaargaroobayan Dabaaldega Xuska 18 May Iyo SHaqaalaha Dawlada Hoose Oo Dhar Cusub Loo Wada Xidhay.

Wajaale(GNN)Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Wajaale Ayaa Waxay Amba Qaadayaan Xeelado Iyo  Dariiq Kasta Oo Lagu Kasban Karo  Karo In Shacabka Magaalada Wajaale Ay  Kaalmaha Hore Ka Galaan Dabaal Dega Xuska 18Ka Oo  Fooda Inagu Soo Haysa.Suuqyada Faras Magalaha, Goobaa Ganacsiga, Xafiisyada Dawlada ,Iyo Dhamaan Guryaha Magaalada, Waxa Lagu Xardhay Calanka  Qaranka Iyo Astaamaha 18KA May,Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Iyo Shaqaale Weynaha Ayaa Dhankooda Diyaargaraw Xoogan Muujiyay.Waxay Xidheen Labis Loogu Talagalay In Ay Kaga Qeybqaaatan Dabaal  Dega Xuska 18Ka May, Gudoomiyaha Degmada Wajaale Gudoomiye Ku XIgeenka Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ayaa Ahmiyada Koobaad Siinaya Iyo Labaadba Siinaya  HIrgalinta Saameyn Cajiiba Oo Wajaale Ayku Muujinayso Balaadhinta Dabaal Dega 18Ka May Oo Ah Maalin Ku Xardhan Quluubta Shacabka Reer Somaliland,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Gudomiyaha Degmada Xaashi Maxamuud Cabdi, Gudoomiye Ku Xigeenka Mursal Nuux Cismaan,  Iyo Xoghayaha Fulinta C.Lahi Xasan Samaale, Ayaa Bulshadu Ugu Baaqay In Si Weyn Loo Muujiyo Maalinta Qaran Ee 18Ka May, Waxeyna Sido Kale Bulshada Ku Booriyeen In Ay Ka  Foojinaado Waxkasta Oo Keeni Karra Abni Daro.Isla Markaana Wixii Laga Shakiyo Ay Ciidamada Booliska Kusoo Wargaliyaan Si Looga Hrtago Wakasta Oo Saameyn Ku Yeelan Karo Xuska Maalintaa Qaran Ee 18Ka May,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET