Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Diyaarado Drone Ah Oo Weeraray Goobaha Saliida Laga Qodo Ee Sacuudiga + [ Cida Sheegatey ]

Riyaad (Ilays-News):-  Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh.

Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro uusan gaysan wax qarribaad ah oo hakad geliyey saliid soo saaristii.

KhalidAl-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago “aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Taleefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari kasoo xigtay in Xuutiyiinya ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen.

Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Source :- Reuters

%d bloggers like this: