Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

HAJI ABDI WARAABE STREET or HAW STREET

HAJI ABDI WARAABE STREET or HAW STREET

Ramadaan Karim dhamaantiin akhristayaal . ALLE(sw) khayr keeda ha inna siiyo .
Sabti dii 11 May 2019 ayay ku beegnayd maalintii uu Godka galay Halyeygii weynaa ee innaga baxay XAJI CABDI XUSEEN(Cabdi Waraabe) Alle ayaynu ugu baryeynaa Janooyinkiisa inuu ku casumo.
Intaa kadib, cid looga waramayaa taariikhdii Marxuumka iyo doorarkii kala duwanaa ee dib u xoreyntii , Nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka inaanay jirin ayaan filayaa oo waxba taa dib ugu noqon maayo. Waxaase aan soo jeedin lahaa in loogu magac darro , ashyaa aynaan wali halyeeyadeena aynaan kuxusin looguna magac darin laakiin dunida caan ka ah sida WASHINGTON STREET( George Washington oo ahaa Madaxweynihii 1aad ee USA) HAILE SALAASE STREET IYO KENEYATA ROAD. Taas oo ah ; STREETS ka . Waxaana la odhan karaa Main Street ka Caasimada Hargeisa oo kale sidan; Haji Abdi Waraabe Street ama  iyada oo lasoo gaabinaayo HAW STREET. Waana jidka wadnaha Caasimada ee Qasriga hor mara. Waxaa intaa ii raaca iyana in Magaalo Madaxyada Shanta Gobol ee kale in sidaas oo kale ay ku wacan tahay in Main streets kooda loogu magacdaro … waa RAYI ani kali igu ah..laqaadan karo lagana tagi karo…

Wabillaahi tawfiiq
Abdirasaq Sh Ali

%d bloggers like this: