Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

“Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta …” Muniir Axmed Cigaal

Hargeysa (GNN):- Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Muuse Biixi uu maamuus ka xayuubin ku mutaysan karo dastuur jabin uu ku eedeeyey.

Siyaasi Muniir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xadhiga xildhibaan Dhakool uu yahay sharci jabin iyo dastuurkii oo uu ku tuntay madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.

Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan..

Wa-bilalahi Tawfiiq..

Muniir Axmed Cigaal

Sweden

%d bloggers like this: