Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Maraykanka: Maxkamad Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Korneyl TUKE iyo Nooca Dambiga lagu Helay.

Hargeisa(GNN):-Xeer-beegtida Maxkamad ku taalla magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa maanta go’aan ka soo saaray Dacwadda kiis Jidh-dil iyo Isku-day dil ah oo loo haysto Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka tirsanaan jiray Ciidamadii Dowladdii Soomaaliya.

Korneyl TUKE

Korneyl Tuke oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan Ciidammadii dowladdii Siyaad Barre ee Xasuuqa ka geystay Deegaamada Somaliland, waxa uu gabbood-fallo ka dhan bani’aadamnimada ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, halkaas oo ammarro uu bixiyey lagu laayey dad shacab ah halka isaga laftiisuna uu gacantiisa ku fuliyey Garaacista iyo Dilalka Dad shacab ah.

 

Haddaba, Dhegaysida dacwadda Kiiskan oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey ka socotay maxkamadda, waxa ay xeer-beegtidu ku heleen Korneyd Tuke inuu 30-sanno ka hor Jidh-dil u geystay Farxan Maxamed Tani Warfaa oo todobaadkii hore Maxkamadda u gudbiyey Dacwadda.

Sida ay aanu ka soo xigannay warbaahinta Maraykanka, Maxkamaddu waxa ay go’aamisay inuu Korneyl Tuke bixiyo Lacag mag-dhow ah oo dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar) inuu siiyo dhibbane Farxan Maxamed Taani oo sheegay in da’diisu ahayd 17-sanno jir markii isaga iyo dad kale shacab ah ciqaab-wadareed u geysteen ciidamo uu watay Korneyl Tuke oo uu sheegay inuu dhowr xabbaadood ku dhuftay ka hor intii aan meyd ahaan looga tagin balse nasiib-wanaag uu ka badbaaday.

Dhibbane Farhan iyo Garyaqaanadii u doodayey oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda

Warku waxa uu intaas ku daray in Korneyl Tuke Maxkamadda horteeda ka sheegay inuu ahaa Sarkaal Ciidan oo ka tirsanaa ciidamadii Soomaaliya, balse waxa uu beeniyey inuu Jidh-dil u geystay dhibbane Farxaan maxamed Taani.

Hargeisa Somaliland
Contactgabileynews@gmail.com

%d bloggers like this: