Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Oo Si Kulul U Hadley , Xukumada Iyo Dawlada Hoose-na Eedeeyey + [ Muuqaal ]

Hargeysa (GNN):- Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Md Xassan Bulbul ayaa waxaa uu si  kulul  uga  Hadley doox biyo mareen ah oo Hotel-kiisa  hor mara kaas oo ciid iyo xashiish gufeyeen  isla markaana biyihii mari lahaa ay Hotel-kiisa kadinka ka soo galeen  .Waxaa uu sheegay in Biyihii shalay Hotelka soo galay ayaa dhamaan hotel-ka saameyn ku yeeshay waxaana ay dumiyeen gidaarkii danbe ee Hotel-ka  , waxaana uu sheegey mulkiiluhu in ay arintani tahay markii labaad ee ay dhacdo 5 sanno gudahood

Mulkiilaha ayaa waxaa uu eedeymo u jeediyey dawlada dhexe iyo dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu xusay in ilaa hada aaney  ka soo war doonin khasaaraha ku dhacay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/OqSHcEfX1Jc

GABILEY.NET