Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Shabaab ‘oo weerar culus ku qaaday saldhiga ciidanka Kenya ee duleedka Kismaayo’

Ciidamo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar culus ku qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay Saldhig Militari ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee hoos tago AMISOM.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in madaafiic culus iyo rasaas xooggan ay ku weerartay saldhigga, islamarkaana ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegtay in dhanka deegaanka Yootooy oo ku dhow magaalada Kismaayo ay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland, kadib iska hor-imaad ka dhacay halkaas.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Maamulka Jubaland iyo ciidamada Kenya wax weerar ah kama soo saarin dhacdadan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay inay badiyaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta lagu jiro bisha Ramadan, maadaama ay aamisan yihiin inay ajar badan ka helayaan.

%d bloggers like this: