Wasiirkii Ugu Horeeyey Xukuumada Muuse Biixi Oo Maanta Gaadhay Degmada Badhan + [ Sawiro ]

Badhan (GNN):- Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaalada JSL ayaa gaadhay degmada Badhan ee gobolka Badhan halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey, wasiirka iyo waftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen degmada Badhan waxay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka JSL ee ku sugan degmada Badhan, iyo qaybo ka mid ah bulshada.

Geesta kale waa markii ugu horaysay ee tan iyo xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi la doorto uu wasiir ka tirsan xukuumadiisu soo gaadho degmada Badhan ee gobolka Badhan.