Af Hayeenka Trump Sarah Sanders Oo Is Casishay

Haweeneydii Aqalka Cad ee Mareykanka u qaabilsaneyd dhanka warbaahinta Sarah Sanders ayaa shaqada ka tegeysa, sida uu shaaciyay madaxweyne Donald Trump.

Wuxuu sheegay in afhayeenkiisa ay dhammaadka Bishan dib ugu laaban doonto gobolka ay ka soo jeeddo ee Arkansas, isagoo ku ammaanay inay tahay “geesiyad”.

Sarah oo ah qofkii ugu dambeeyay ee jago sare ka hayay Aqalka Cad ee is casilay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsaneyd shaqadeeda.

Sumcaddeeda ayaa su`aal la geliyay, iyadoo intii ay xilka haysay lagu eedeeyay in si aan habbooneyn ay ula dhaqantay warbaahinta marka shirarka jaraa`id la qabanayo.

Waxay markii hore ahayd ku xigeenkii xoghayaha warbaahinta kahor inta aysan beddelin Sean Spicer bishii Luulyo ee sannadkii 2017.

Sarah oo 36 jir ah, ayaa loo arkay inay tahay qof daacad u ah Trump, iyadoo lagu yiqiin inay mar walba tiraahdo “Ilaahay ayaa Donald Trump u doortay inuu noqodo madaxweyne”.

Trump ayaa haweeneydan ku tilmaamay inay tahay “Qof qiime leh, oo ah haweeney aad iyo aad u wanaagsan”.

“Waa geesiyad, dhammaanteen geesiyaal baa nahay, waa inaan geesiyaal noqonnaa,” ayuu Trump intaasi sii raaciyay.

Madaxweynaha ma uusan magacaabin qof beddela Sanders.

Waxay cod aan degganeyn ku tiri: “Tani waa wax aan weligey ku faani doono. Waxaan ka sii mid ahaan doonaa dadka aan gabban ee daacadda u ah madaxweynaha.”

BBC