Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Bangiga PrimerBank Oo Soo Geba-gebeeyay Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda Iyo Maskaxdooda Lagu Dhuuqay Iyo Qaabka Loo Maamulay

Hargeysa(GNN)-Bangiga PrimerBank oo  ka mid ah Baananka Madax banana ee ka hawlagala Somaliland, ayaa caawa soo geba-gebeeyay mawduuc  loo bixiyay hal-abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacaddaha Somaliland, kaasoo ay ka qaybgaleen kumaan dhalinyaro ah oo dananay barnaamijkaa.

45  dhalinyarada Jaamacddaha dalka oo ka qaybgalay tartankaa oo lagu bixinayay  maalgelin dhan $ 10,000 (Toban kun oo dollar), lacagtaa oo ay sheegeen in la siinayo qofka ku guulaysta fekreda ganacsi ee ay ku qancaan dadka barnaamijkan daadihinayay.

Barnaamijkan, ayaa u muuqday mid feker ahaan aad loo soo dhoweeyay, balse waxa markiiba ka dhashay doodo iyo su’aalo la xidhiidha  sababta intaas oo dhalinyaro ah oo dabacan shaqo la’aanta ka taagan dalka iyo duruufaha dhaqaale loogaga faa’idaysanayo fekerkooda iyo maskaxahooda ee loo soo dhexdhigay dhalinyarada intaa leeg qadar lacag ah oo aan ka badnayn toban kun oo dollar..

Waxayna  dadka inta badan la socday barnaamijka ee dusha kala socday is weydiinayeen sababta marka horeba si furan loogu shaacin waayay tartanka Barnaamijka iyo shuruudaha lagu soo xulayay ka qaybgalayaasha oo aan cidna ka war qabin.

Sidoo kale waxa shaki iyo dareen dhalisay  mudadii uu socday Barnaamijku oo ahayd xogtiisa looga dhigay mid qarsoodi ah oo aan daah-furnayn maadaama ay tahay tartan iyo sababta warbaahinta looga mamnucay, taas oo abuurtay shaki iyo dareen kale oo ay ka qabeen ka qaybgalayaasha iyo dad ka indhah ku hayay ku dhowaad saddex todobaad oo uu socday. halka muuqaalada iyo barnaamijyada laga dheehanayey tvyadana ay ahaayeen kuwo ay iyagu goobo u gaar ah kusoo diyaarsadeen.

Arrimaha kale ee lays weydiinay, ayaa ahaa sababta  ay uga badatay kharashka ku baxay hirgalinta hawshan iyo  qadarka lacagta yar ee la siinayo qofka guulaystay.

Dhinaa kale Qiimaha lacagta loogu talo galay baahinta barnaamijkan ee lagu siinayo tvyada iyo marka aad is barbar dhig ku sameyso lacagta la siinayo dadka guuleystay waxaa toban jeer ku libin laabmaysa lacagta lagu bixiyey baahinta barnaamijkaasi.

Labada dhalinyarada ah ee ku guulaystay maalgelinta $ 10,000 dollar,ayaa wadaagaya mashruuca maalgelinta qadarkaa lacageed, taas oo saluug weyn laga muujiyay markii lasoo gebagebeeyay munaasibada tartankaa oo caawa xaflad loogu qabtay magaalada hargeysa, balse waxa intii munaasibada lagu jiray soo baxday in barnaamijkan kusoo gebageboobay  tuhun iyo wax isdaba marin in ay jiraan, iyadoo masraxa laga soo hadal qaaday in guulaystayaasha ay ka mid tahay gabadh, balse lama xaadirin magaca gabadhaa.

Baadhitaano la xidhiidha Barmaamijkaa oo u muuqday mid dhalinyarada shaqo la’aanta iyo  dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta  looga faa;idaystay maskaxahooda iyo ujeedad ka danbaysa xoggo dheeraad ah iyo baadhitaano la sameeyay  oo wax badan daaha ka faydaya .  lasoco.

Contactgabileynews@gmail.com

Hargeisa Somaliland.

%d bloggers like this: