Cudurka Haliska Ah ee Ebola Oo Ka Dilaacay Dalka Ugandha.

Dowlada Uganda ayaa xaqiijisay in dalkeeda uu soo gaaray cudurka halista ah ee Ebola oo ka dilaacay dalka ay jaarka yihiin ee DR.Congo.

Cudurkan ayaa la sheegay in laga helay cunug 5 sano jir ah oo kamid ah qaxootiga ka yimid dalka DRC oo Axadii lasoo dhaafay tagay wadanka Uganda, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in wiilkan yar hada lagu hayo goob gaar oo lagu dabiibayo.

Dr. Jane Ruth Aceng@JaneRuth_Aceng

2 other family members have developed symptoms and blood samples are enroute to UVRI. 8 contacts in Uganda have been line listed.

Dr. Jane Ruth Aceng@JaneRuth_Aceng

I appreciate the Minister of Health, @MinSanteRDC and the entire DRC team for their vigilance in always providing information promptly to Uganda. This information enabled us to identify the cases and isolate them.

17 people are talking about this

Dalka Uganda ayaa heegan sare ku jiray tan iyo sanadkii tagay kadib markii cudurkan uu ka dilaacay wadanka DRC. Hay’ada caafimaadka WHO ayaa sidoo kale sheegtay inay dalkaasi u dirtay dhakhaatiir khaas ah si ay ulla dagaalamaan cudurkan.

Wadanka Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, sanadkii 2014 ayey dowlada Sierra Leone oo ay ciidamadeeda kamid ahaayeen AMISOM askarteeda kala baxday Soomaaliya kadib markii uu cudurka Ebola dalkaasi ku faafay.