Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Facebook Oo Lacag U Gaar Ah Sameysanaya

Facebook ayaa wajahaya walaac caalami ah oo ku saabsan go’aankeeda ah in la soo saaro lacag digital ah oo u gaar ah, oo loo yaqaan ‘Libra’.

Shabakaddan bulshada ku wada xidhiidho ayaa sheegaysa in ay dadku ka bixinayso nidaamyada bangiyada dibadda, kuwaas oo awood u yeelanaya isticmaalidda adeegyadooda maaliyadeed markii u horreysay. Laakiin sharci-dajiyayaasha Mareykanka iyo Yurub ayaa ugu baaqay shirkadda in ay mashruucan hakiyaan.

Tani waa qorshe firfircoon oo ka yimi Facebook si ay u ballaadhiyaan ganacsiga lacagaha ee internetka. Shabakaddan bulsheed ayaa la kaashaynaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub. Waxaa la filayaa in la furo lixda bilood ee hore sanadka soo socda.

Laakiin qorshahan ayaa walaac laga muujiyay sida uu ilaalin doono arrimaha gaarka ah. Maxine Waters, guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka Maraykanka, ayaa sheegay in Facebook ay joojiso horumarinta lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talobixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu. Adeeggan ayaa lacagta la isugu dirayaa taleefannada gacanta, sida farriimaha oo kale.

Habkan ganacsi ee cusub, waxaa qof walba oo wax ku kala iibsada laga jaran doonaa khidmad yar, waxaana uu dadka ku qasbi doonaa inay wakhti dheer ku qaataan Facebook-ga si ay u sameeyaan xayaysiisyo, ay lacagi ka soo gasho.

%d bloggers like this: