Gudoomiye Xigeenka Tog-Wajaale Oo Soo Gunaanaday Tartanka Wareega Ciyaar Kubada Cagta ah Oo Ka Socoday Degmada.

Wajaale(GNN):-Maayar ku xigeenka degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa habeenkii xalay ahayd soo gunaanaday wareeg kubadeed oo ay ku tartamayeen kooxaha kubada cagta ee degmada Tog-Wajaale.

Tartankan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Maamulka Degmada Tog-Wajaale iyo ganacsatada magaaladu ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayay dhalinyarada Degmada Tog-Wajaale.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux Cismaan oo inta badan lagu yaqaan dardar galinta arimaha dhalinyarada iyo hawlaha samafalka ayaa xalay soo xidhay xafladii lagu gunaanadayay wareegii kubada cagta ee degmada Tog-Wajaale.islamarkaana waxuu halkaas koobkii ku gudoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay tartanka. Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta degada iyo ganacsato badan.