Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Maraykanka Oo Ciraaq U Ogolaaday In Ay Shiidaal Ka Soo Iibsato Iiraan

Xukuumada Washington ayaa mudo 90 maalmood ah ku kordhisay Gas-ka dowlada Ciraaq uga yimaada wadanka Iiraan.

Ciraaq ayaa sii wadi doonta in Gas-ka ah ka keensato wadanka ay daris wadaaga yihiin sida ay xaqiijiyeen laba sargaal oo ka tirsan xukuumada Baqdaad.

Mas,uuliyiintaan oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay in arintaan ay timid kadib markii wadahadal dhexmaray Mareykanka iyo Citaaq.

Dhanka kale qeybo ka mid dalkaan carbeed ayaa ku sii tiirsanaan doona adeega korontada ee dalka Iiraan.

Ciraaq ayaa Gas-ka dabiiciga ah wuxuu uga yimaadaa Iiraan iyadoo laba dal uu u dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo iskaashi dhanka Amniga.

Sargaal kale ayaa laga soo xigtay in heshiiskaan uu yimid kadib markii ay qadka taleefanka wadahadal uu ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ciraaq Aadil Abdi Mahdi iyo xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo shidaalka Iiraan ay u iibgeyso Dibeda.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: