Maxaad Kala Socotaa Muwaadin Adeega Dhaweeye Iyo Halista Uu u Soo Dhaweeyey Shacabka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Shirkada dhaweeye waa shirkad tagaasi oo ku shaqaysa hab casri ah oo online ah oo ka hawlgasha magaalooyinka soomaalida sida muqdisho,garoowe iyo hargaysa. Adeega dhaweeye waxuu leeyahay ablikayshan “application” kaydiya dhamaan macluumaadka iyo xogta shaqsiyaadka macaamiisha, meesha ay ku sugan yihiin,inta jeer ee uu qofku baxo,meelaha uu tago iyo waxyaabo kale oo badan.

Dhawaan ayaa waxaa shaqo joojin lagaga sameeyay magaalada muqdisho iyadoo adeega dhaweeye lagu eedeeyay in ay ku baxsadeen ragii dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka soomaaliya. Saraakiil ka tirsan maamulka muqdisho ayaa amar joojinta adeega dhaweeye ku eedeeyay kooxda alshabaab oo iyadu awood maamul ku leh magaalada muqdisho, waxayna intaa ku dareen in kooxda alshaabaab adeega dhaweeye uga shakiday xaga amaankeeda maadaama macluumaadka iyo dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka ka tirsan kooxda si sahlan loo helayo oo ay kooxdu ula soconayso.

Muran iyo Is Eedayn Kala duwan waaxaa lagu fasaxay heshiis saddex geesood ah oo dhex maray shirkada dhaweeye iyo kooxda alshabaab iyo maamulka muqdisho. Hadaba maxuu noqon karaa heshiiska dhex maray alshabaab iyo dhaweeye?

Saamayn ma ku yeelan karaa shacabka?

sida aynu ka wada warqabno Jamhuuriyada Somaliland waa dal ka madaxbanaan soomaaliya,oo muddo ku siman sideed iyo labaatan sano gaar isku maamulaysay nabada ka hanaqaaday iyo heerkaa ay Somaliland maanta joogtana waxay ku soo gaadhay waa inayna ku milmin mushkiladaha maamulka muqdisho dhan kastaba ha noqotee. Shirkada dhaweeye ayaa hadaba ka shaqo bilowday Somaliland gaar ahaan caasimada hargaysa waxay si sahal ah ku kaydisay macluumaadkii shaqsiga ahaa ee bulshada hargaysa

Waxay  tahay su’aalaha la iswaydiinayaa. 

1-Macluumaadka gaarka ah iyo xogta shaqsiyaadka reer hargaysa oo lagu kaydiyo kombiyuutaro yaala Magaalada Muqdisho halis intee leeg ayaa ka dhalan karta? 

2-Ururada argagaxisada ee ay ka mid tahay alshabaab oo awood badan ku leh muqdisho ma laga yaabaa inay helaan macluumaadkan Reer Hargeysa ee dhaweeyo kaydiyay oo ay adeegsadaan?

3-Hayadaha amaanka Somaliland maxay kala socdaan arimahan?

4-Kaydinta macluumaadka ah shaqsi kasto oo ku nool hargaysa ama Somaliland oo taxi raacay .inta jeer ee uu maalintii baxo,inta meelood ee uu tago,tilifankiisa,meesha uu joogo ee laga helo xeerarka dalku ma u fasaxayaan shirkad laga maamulo muqdisho oo xurguf siyaasadeed inaga dhaxayso?

5-Tagaasidii ka hawlgali jirtay magaalada hargaysa imika waxay ku diwaan galisaa lacag la’aan maxay tahay faa’idada shirkada ugu jirta iyo ujeedka laga leeyahay?

Halkan Ka Akhri Warar Ku Saabsan Shaqo Ka Joojinta Magaalada Muqdisho Lagu Soo Rogay Shirkadaasi.

http://http://baahin.net/2019/03/xog-dawlada-soomaaliya-oo-xanibaad-kusoo-rogtay-shirkad-caan-ka-ah-muqdisho-markii-tuhun-dil-lagu-soo-oogay/

http://https://www.caasimada.net/xog-adeega-gaadiidka-dadweynaha-ee-dhaweeye-oo-muqdisho-laga-joojiyey/

LA SOCO WARBIXIN FAAHFAAHSAN OO KU SAHABSAN HALISTA ADEEGA DHAWEEYE U LEEYAHAY SOMALILAND

Hargeisa Somaliland

Contactgabileynews@gmail.com