Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka Sheekeeyey Taariikhdii Marxuum Abwaan Saxardiid Jabiye

Hargeisa(GNN):-Allah haw naxariistee maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Abwaan Saxardiid aw-Maxamuud Cilmi (Jabiye) oo ka mid ahaa Abwaannada sida weyn looga yaqaano geyiga Soomaalida isla markaana taariikh weyn ku leh horumarinta Fanka Soomaalida.

Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xog-warran uu siiyey warbaahinta, waxa uu kaga sheekeeyey taariikh-dii nololeed iyo doorkii uu fanka Soomaalida ku lahaa Allah Haw-naxariistee Marxuum  Saxardiid Maxamuud Jabiye.