Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Somaliland Oo Shaacisay Tirada Ajaanib Ay Dalka Ka Saartay Iyo Kuwo Ay Ruqsad Shaqo Siisay

Hargeysa(GNN):-Xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay tirada dad ajaanib ah oo ay dalka ka saartay iyo kuwo ay siisay ruqsad shaqo oo ay dalka kaga xoogsan karaan.

Wasiirka shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa warbixin ay siisay golaha wasiirada somaliland waxa kale oo ay ku soo bandhigtay wadamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan dadka ajaanibka ah ee la celiyey.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.

Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada.

Waxaanay wasiirku golaha horkeentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.

GABILEY.NET