Uganda: Qofkii Labaad oo u dhinta Cudurka Ebola iyo Xaalad Degdeg ah oo La Soo rogay

Dowladda Uganda ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay degmada ku taala galbeedka dalkaasi ee Kasese, kadib markii qofkii labaad uu u dhintay cudurka halista ah ee Ebola.

Si looga hortego inuu sii faafo cudurka Ebola, Ugandha waxay mamnuucday in dadweynuhu ay isugu yimaadaan meelaha fagaaraha, Kaniisadaha, Masaajidada iyo goobaha kale ee dadku isugu soo baxaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Ugandha emmanuel Ainebyona, ayaa xaqiijiyay in haweenka 50 jir ah oo u dhalatay wadanka Kongo ay u dhimatay maanta oo khamiis ah cudurka Ebola. Wiil 5 sanno jir ah oo ayeeyo u tahay haweenayda dhimatay ayaa noqday qofkii u horreeyay ee u dhinta cudurkaasi. Sidoo kale, waxaa cudurka laga dawaynayaa wiil yar saddex Jir oo la dhashay wiilka dhintay.

Wadanka Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, sanadkii 2014 ayey dowlada Sierra Leone oo ay ciidamadeeda kamid ahaayeen AMISOM askarteeda kala baxday Soomaaliya kadib markii uu cudurka Ebola dalkaasi ku faafay.