Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dib U Xasuuso Maanta Oo Kale 17 Julay 1989 Xasuuqii Xeebta Jasiira Lagu Laayey Dadka Shacabka ah. Documentry Film.

Hargeisa(GNN):-30 Sanno Ka hor Caawa oo kale 17-kii Julaay 1989, Waxa Magaalada Muqdisho ka dhacay Xasuuq baahsan oo lagu laayey (AUN) 56 Qof oo Shacab ah, Kuwaasi oo kala ahaa Arday, Ganacsato iyo Shaqaale Dowladeed iyo Mid Hay’adeed IWM, Dadkaasi ayaa Caawa oo kale laga Ururiyey Magaalada Muqdisho Gudaheeda. Iyagoo Qof walba laga Soo qabtay Gurigii uu ka deganaa Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dadkaasi loo Ururinayey Qaab hayb Qabiil ah.

Dib U Xasuuso Maanta Oo Kale 17 Julay 1989 Xasuuqii Xeebta Jasiira Lagu Laayey Dadka Shacabka ah. Documentry Film.

Halkan Hoose Ka Daawo.

%d bloggers like this: