Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Fanaanada Nicki Minaj Oo Diiday Inay ka Qayb-gasho Bandhig ay ku Qaban Lahayd Sacuudiga.

Bandhig heesaha ah oo lagu waday toddobaadka soo socdka inuu ka dhaco dalka Sacuudiga ayaa la baajiyay, markii ay sida go’aansatay Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah.

Go’aankii horey loogu shaaciyay dalka Sacuudiga inay gabadha bandhig ku qabanayso ayaa dad badan waxay ula muuqaatay arrin cajiib ah, waxaana dowladda Sacuudiga ay arrintaa kula kulantay dhaleeceyn badan.

Nicki Minaj , ayaa hadda si cad u sheegtay inaysan tagi doonin dalka Sacuudiga, waxaa ay go’aankeeda sabab uga dhigtay – marna inaysan bandhig ku qaban doonin dalkaas oo ay ku tilmaamtay in lagu dhibaateeyo haweenka aanan laga rabina dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

“Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tiri Nicki Minaj.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa Jimcihii toddobaadkii hore warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July, waxaana hay’adda ay ka codsatay fannaanada in ay diiddo lacagta dawladda oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira.

Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kaddib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: