Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Iran oo lagu eedeyay isku day weerar oo ka dhan ah markab Ingriisku leeyahay

Dowladda Britain ayaa maanta sheegtay in doonyo ay leedahay Iran ay isku dayeen in ay is hortaag ku sameeyaan markab shidaal oo uu Ingiriisku leeyahay xilli uu marayay marin biyoodka Hormuz.

Bayaan kasoo baxay xukuumadda Britain ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay ku lug leeyihiin saddex doon oo ay Iran leedahay. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in doonyahaasi ay dib u gurteen kaddib markii ay digniin ka heleen markab dagaal oo uu Ingiriisku leeyahay.

Ciidanka ilaalada kacaanka Iran ayaa beeniyay eedda uga timid Ingiriiska. Wakaaladda wararka dalka Iran ee Fars, ayaa sheegtay in doomaha Iran ay marinka Hormuz ee u dhaxeeya Iran iyo Khaliijka ay ka sameeyaan roondo maalinle ah, isla markaana aysan jirin wax maraakiib ama doonyo ah oo ay isku dhaceen gaar ahaan maraakiibta Ingiriiska.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Arbacadii uga digay Britain in ay wajahi doonto cawaaqib, kaddib marki ay Ingiriisku qabteen markab shidaal oo ay Iran leedahay kaasoo looga shakisanyahay inuu saliid u waday Suuriya.

%d bloggers like this: