Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Kenya Oo Furaysa Mashruuca Tamarta Dabaysha Ee Ugu Weyn Afrika.

Dalka kenya ayaa laga hirgalinayaa barnaamijkii ugu balaadhnaa qaaraddda afrika Kaas oo ah in tamartalagaga dhaliyo dabaysha.

Barnaamijkan ayay kenya ula dan-leedahay si ay u yarayso kharashka ku baxa korontada, iyo ku tiirsanaanta shidaalka.

Qalabka tamarta soo saaraya ayaa lagu rakibayaa xeeliyada harada turkana ee waqooyiga dalkan ku yaala geeska afrika.

Madaxweynaha kenya Uhuru kenyatta ayaa sheegay in mashruucani uu 13% kor u qaadi doono awooda korontada ee kenya, Iyadoo qaybo badan oo ka mid ah shacabka kenyanka ahina ay heli doonaan koronto qiime jaban.

Kenya ayaa horumar wanaagsan ka samaysay tamarta la cusboonaysiiyo, iyadoo ka mid ah wadamada fara-ku-tiriska ah ee qaaradda afrika, kuwaas oo horumar ka samaynaya tamarta nadiifta ah.

70% korontada kenya ayaa ka timaada tamarta la cusboonaysiiyo, sida tamarta laga dhaliyo biyaha, iyo tan laga dhaliyo kulka.

Madaxweyne kenyatta oo hore u balanqaaday in 100% dalkiisu uu u guuri doono tamarta cagaaran ayaa sheegay in mashruucan oo ku kacaya $775-Milyan uu ka caawin doonto in ay yoolkooda ka dhabeeyaan.

%d bloggers like this: