Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Ka Qeyb-galay Furitaanka Bandhigii 12aad Ee Carwada Buugaagta Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay furitaanka Bandhigii 12aad ee Carwada Buugaagta ee Hargeisa International Book Fair oo sannad kasta lagu qabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu u mahadceliyey maamulka iyo masuuliyiinta xarunta dhaqanka oo uu ku amaanay inay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka, waxaana uu xusay in xarunta dhaqanka ee Haregysa ay qiimo balaadhan ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaana uu soo dhaweeyey  martida ka timi waddamada kala duwan ee kasoo qeyb gashay bandhiga buugaagta.

Dhanka kale Madaxweyne ku ixgeenka Somaliland ayaa shacabka reer Somaliand ugu baaqay inay barbar joogsadaan cidkasta oo wadda wanaag iyo wax ummadda dan u ah  wuxuuna yidhi “Waxaan leeyahay Ummadda reer Somaliland waxaan soo dhisnay qaran aan gacmaheena kusoo dhisnay oo aynu isugu soo geynay maskaxdeenii, muruqeenii iyo maalkeena, waxaan ku baaqayaa  ummadda reer Somaliland inay cidkasta oo reer Somaliand ah oo wax wanaagsan wadda in la garab galo”

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ammaanay qiimaha ay qaranka ugu fadhido xarunta dhaqanku waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Qiimaha ay inoogu fadhido xaruntani dadka reer Somaliland ee aqoonta leh waa ogyihiin, markaa waxaan leeyahay cidkasta oo ummadda reer Somaliland wax u taraysa  inaynu ka dayno xag-xagashada  oo aan garab joogsano oo ay gartaan cidda wax u taraysa iyo cidda wax  u dhimaysa”

Waxa Kale oo Madaxweyne ku xigeenku uu Shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada noolaanshahooda “Waxaan leeyahay beesha caalamka, waxaa halkan maanta lasoo qaatay wada-noolaanshaha, wada-noolaanshuhu waxaan leenahay reer Somaliland siday u wada noolaan lahaayeen ee midnimadooda , dadnimadooda iyo horumarkooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen ayaa looga baahan yahay, markaan innagu is dhisno aan ummad noqono meel u wada jeeda isku dana, isku diina waxaan qaban karnaa inaan adduunyada kalena ku darno wixii aqoonteena ah”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa fariin u diray Soomaaliya oo ugu baaqay inay danahooda ka tashadaan oo ay iska iloobaan ta Somaliland “Somaliland ninka maanta ku riyooyana inay Soomaaliya ku noqotaana waa nin aan habeen jirin baan qabaa annigu runtii hadduu nin reer Somaliland u dhashay yahay iyo hadduu cidda kale ee dibada inaga joogta yahayba, maanta Somaliand iyo Soomaaliya meel ay iskaga noqdaan ma jirto laba qaran oo kala socday noqdeen, qaran taaba galay iyo qaran wali soddon kaa sanno burbursan waxaan leeyahay umadda reer Somaliland nabad gelyadeeda iyo horumarka ay gaadhay ha ilaashato, iyagana waxaan ilaahay ka rajaynayaa in dhibaatada iyo dabkaa haysta Ilaahay ka bakhtiiyo oo ilaahay tawfiiqda dhexdooda usoo cesho, markaa waxaan leeyahay idinku tiina ka tashada oo taayada iska daaya”.