“ Maraykanku Ha Joojiyo Hubka Uu Taiwan Ka Iibinayo..” Shiinaha

Taiwan ayaa Marayaknka u soo dirsatay codsi ay ku iibsanayso agab milatari oo qiimihiisu dhan yahay $2.2 Billion oo dollar.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ansixiyay codsigan. Pentagon ayaa shalay sheegay in agabka militari ee Taiwan ay doonayso ay ku jiraan taagiyada loo yaqaan M1A2T abmraham, iyo gantaallada lidka diyaaradaha iyo waliba gantaallada lala beegsado taangiyada.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa maanta oo Salaasa ah sheegtay in qorshahan ay ka soo horjeedo, iyadoo sheegtay inay tani jabinayso qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay tahay fareglin lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Shiinaha.

Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in agabkani milatari ee Taiwan laga iibinayo aanu waxba ka badali doonin isku dheeli tirnaananta milatari ee gobolka.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa kala goay sanadkii 1949-kii, kaddib dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxdii uu hoggaaminayay Chaing Kai SheK.

GABILEY.NET