Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Muqdisho-Tirada Dhimashada Ilaa Hadda La Xaqiijiyey Oo Maraysa 17 Qof Qarax Gilgilay Maanta.

Muqdisho(GNN):-Qarax xoogan oo maanta duhurkii ka dhacay wadada gasha madaarka aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira naf iyo maal, Warar hordhac ah oo hadda warbaahinta soogaadhay ayaa xaqiijiyey in ilaa hadda dhimashadu marayso 17 qof oo maydadkooda laga qaaday goobta uu ka dhacay qaraxu.

Waxaana wararku intaasi ku dareen dadka ugu badan ee ku dhintay goobtani yihiin shacab ah oo u socoday inay ka dhoofaan madaarka oo soo gudanayey waajibaadka xajka.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

 

Muqdisho Office
Contactgabileynews@gmail.com
Gabiley News Network

%d bloggers like this: