Shaqsiyaad Sifo Khaldan Uga Faaiideystay Shirkada Loo Galayey Imtixaan iyo Khiyaamo Lagula Kacay Ardaydii Shaqo Qaran.

Hargeisa(GNN):- Imtixaan ay u fadhiisteen Arday ka tirsan Barnaamijka Shaqo Qaran ee Madaxweynaha Somaliland bilaabay oo ay ugu tartamayeen afar boqol oo boos oo ay doonaysay Shirkadda Singabure oo Shiinaha laga leeyahay, isla markaana Berbera Saliidda ku sifayn doonta, ayaa fashilmay, ka dib markii dad aan ka tirsanayn barnaamijka Shaqo Qaran si qarsoodi ah loogu dhex-daray dhalinyarta Shaqo Qaran, qaarkoodna goobo qarsoodi ah imtixaanka lagaga qaaday.

Imtixaanka oo gelinkii hore ee Salaasadii maanta sidii ballantu ahayd uga bilaabmay Jaamacadda Hargeysa, kaas oo ay ka qaybgaleen 980 dhalinyarada shaqo Qaran ka tirsanaa, ayaanay qaybtii labaad ee imtixaanka oo waraysiyo “Interview” noqon lahaa oo loo ballansanaa isla gelinkii dambe ee maanta ay diideen inay galaan dhalinyaradu, ka dib markii ay ogaadeen in goobo kale oo Hargeysa ka tirsan si qarsoodi ah imtixaan loogaga qaadayo dad aan ka tirsanayn barnaamijka Shaqo Qaran.

Dhalinyarta shaqo Qaran ee imtixaanka galayey, ayaa qaarkood tageen Huteelka Grand Hadi ee galbeedka magaalada Hargeysa oo ahayd goobta imtixaanka qarsoodiga ah lagaga qaadayey dadka aan ka tirsanayn barnaamijka shaqo-qaran, kuwaas oo warbaahinta u sheegay inay indhohooda ku arkeen dad aan barnaamijkooda ka tirsanayn oo imtixaanka iyaga hore loogu gaaryeelay u fadhiistay oo laga qaadayo. Sidoo kale, Suxufiyiin Huteelkaas tegay oo Ardayda shaqo-qaran qaarkood waraystay, ayaa Booliska Somaliland Xabsiga u taxaabeen, kuwaas oo illaa hadda ku xidhan Saldhigga degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa.

Dadka aan ka tirsanayn barnaamijka shaqo-qaran ee la qorsheeyey inay imtixaanka keligood ku tartamaan, sida uu hore u sheegay Guddoomiyaha barnaamijka shaqo-qaran Maxamed Xuseen Mu’addinka oo sheegay in 980 ardayda shaqo-qaran ahi ku tartami doonaan 400 afar boqol oo boos shaqo oo ay qaadanayso Shirkadda Singapore oo laga leeyahay Shiinaha, isla markaana sifayn doonta Saliidda oo Berbera xarun ku yeelan doonta.

Hase-yeeshee, qoraal uu isla maanta soo dhigay bayjka shaqo-qaran ee Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu bilaabmay imtixaanka ay shirkadda Singapore ku xulanayso 300 saddex boqol oo ardayda shaqo-qaran ka tirsan, taas oo aanu faahfaahin iyo waxa beddelay qorshihii hore toona ka bixin.

qoraalka lagu baahiyey pageka Xafiiska Shaqo Qaran

 

Baahinta Warka Galitaanka Imtixaanka Shaqo Qaran ee Hore.

 

Inkasta oo la ogyahay in Shirkadda Singapore oo uu wakiil u yahay Wiilka Madaxweynaha Somaliland dhalay ee Maxamed Muuse Biixi oo dalka Shiinaha wax ku soo bartay iyo Nin ganacsade ah oo ay Madaxweynaha isku qoys-yihiin, isla markaana lagu magacaabo Faysal-Buste. Haddana, waxa la sheegay in Maxamed Muuse iyo Faysal-Buste oo kaashanaya Guddoomiyaha Barnaamijka shaqo-qaran Maxamed Mu’addinka ay gaar u qorshaysteen inay boqol qof ka dhex-saaraan 400 ee qof ee barnaamijka shaqo-qaran, isla markaana ay iyagu dibedda ka keensadaan dad ay hab qabiil iyo mid ganacsi ku xusheen.

 

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ardayda Shaqo Qaran

 

Barnaamijka shaqo-qaran oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi bilaabay, isla markaana taageero iyo ammaan badan kaga helay bulshada uu hoggaamiyo, ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, isla markaana aan la garan Karin siduu uga jawaabi doono iyo go’aanka uu ka qaadan doono musuqmaasuqa Guddoomiyaha Xafiiska Barnaamijka Shaqo-qaran ku kacay, oo aan weli la ogeyn inuu kula socda amma raalli kaga yahay in sidaasi dhacdo iyo in meel dhexe waxani ka abuurmeen.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network