Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ururka Solja Oo Fariimo Muhiim Ah U Kala Diray, Warbaahinta, Xukuumada Iyo Goleyaasha Qaranka.

Hargeisa(GNN):-Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa fariin muhiim u diray guud ahaan hawl wadeenada warbaahinta somaliland, xukuumada, goleyaasha qaranka iyo waxgaradka somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Solja oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan:-

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka qayb qaataan dajinta wararka dhiilada ah iyo xakamaynta faafinta wararka kordhinaya dhibaato kasta oo dalka waxyeelaysa.

Related image

Suxufiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta waxaan ugu baaqaynaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyigalanayo bulshada sidii ay Nabada u ilaashan lahaayeen, isla markaana uga hortagi lahaayeen cid kasta oo qayb ka ah colaadaha soo noqnoqda ee goboladda qaarkood ku dhex maraa deegaanada qaarkood.

Ururka SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka iyo waxgaradka kala duwan ee Somaliland inay masuuliyad culus iska saaraan xalinta iyo soo af-jarida khilaafaadka Qabaliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee jira.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha SOLJA

%d bloggers like this: