Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Deg-deg Madaxweynaha Jsl Oo Kulamo La Qaatay Jaaliyada Dalka Sucuudiga +Sawiro

Jiddah(GNN):-Madaxweynaha jsl mudane muuse biixi cabdi iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa kulamo la qaatay caawa jaaliyada reer somaliland ee ku dalka sucuudiga gaar ahaan Magaalada jiddah, Waxaana kulankani ahaa kuwo ay isu xogwaraysanayeen jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalkaasi iyo madaxweynaha qaranka jsl.

Wafti madaxwaynaha somaliland ayaa warbixin jaaliyada Kasiiyay xaalada dalka iyo sidii loogu soo dhaweeyay Xajka

Madaxwayne biixi oo madashan ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaalada dalka iyo waxa u qabsoomay xukuumadiisu intii ay talada dalka haysa iyo waxyaabaha uqorshaysan,

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA KULANKA MADAXWEYNAHA IYO JAALIYADA SOMALILAND EE SAUDI ARABIA. 

Dhanka kale Madaxwaynaha somaliland ayaa Jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan magaalada jidaha ee dalka sucuudi arabiya usoo jeediyay in ay ka qayb qaataan Maalgashiga dalka iyo sidii ay dadaal dhinacooda ugu gali lahaayeen Xidhiidhka jsl Iyo beesha caalamka.

Gabiley News Network

Jidda Saudi Arabia.

 

%d bloggers like this: