Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ganacsadaha Maxamed Jabuutaawi Oo Bilaabay Dayactirka iyo Dhismaha Garoonka Diyaarada Ee Magaalada Laascaanood.

Sool(GNN):-Ganacsadaha Da’da yar ee Maxamed jabuutaawi ayaa Bilaabay Dayactir iyo dhisme Lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee Magaalada laascaanood Xarunta gobolka sool.

Garoonka Diyaaradah ee Gobolka Sool oo labaatankii sanno ee ugu danbeeyey ahaa mid dayac faro badani ka muuqdo islamarkaana aaney jirin wax dhisme ama dayactir ah oo lagu sameeyey intii dalka lagu soo noqoday ayaa waxaa dhibaato weyn kala kulmi jiray diyaaradaha iyo gadiidka kala duwan ee ka hawlgala dhabada diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood.

Waxaana Wakhtigan si Muwaadinimo iyo ku Dhiirasho Daljacayl ah Maalgalin faro badan ugu bixiyey ganacsadaha da’da yar ee maxamed jabuutaawi oo kamida ganacsatada reer somaliland ee maalgashiyada kala duwan kusameeyey dalka.

Waxaana arrintani uu ku talaabsaday ganacsade maxamed jabuutaawi ay ku dhiirasho iyo tusaale fiican u tahay ganacsatada gobolka iyo dhamaan ganacsatada reer somaliland ee ku nool dalka gaar ahaan kuwa magaalada laascaanood.

Bulshada kala duwan ee gobolka sool ayaa siweyn usoo dhaweeyey dib u habaynta lagu sameynayo Garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood iyagoona uga mahadceliyey doorka uu galiyey ganacsade Jabuutaawi oo inta badan dhaqaalihiisa u hura sidii uu bulshada ugu celin lahaa.

Waxaan ganacsadaha oo geeyey garoonka qalabka dhismaha oo isugu jira Gawaadhida waaweyn iyo Cagafyada lagu Qodo ama lagu sameeyo laamiyada uu bulshada ku nool gobolka sool ugu  baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka oo ah waxyaabaha ay bulshadu wada leedahay isagoona ku dheeraaday in hirgalintan dhismahan iyo sida ay uga go’an tahay.

Dhanka kale waxaa uu ganacsade Maxamed Jabuutaawi Fariin muhiima u diray dhamaan qurbejoogta ku nool Dalalka dibada ee kasoo jeeda gobolka barriga kuwaas oo uu ugu baaqay inay iyaguna kasoo qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka garoonka magaalada laascaanood oo uu noqonayo masuulkii ama ganacsadihii ugu horeeeyey ee isagu ku bixiyey hantidiisa sidii loo dhisi lahaa.

%d bloggers like this: