Haweeney cunto karineysay 75 saacadood oo xiriir ah

Haweeneey u dhalatay dalka Kenya oo ku takhasustay cunto karinta ayaa taarikh dhigtay kaddib markii ay cunto karisay 75 saacadood oo xiriir ah.

Maliha Maxamed ayaa waxay tartanka cuntada karinta bilaawday Khamiistii saacaddu marka ay aheyd 10:00 subaxnimo xilligga magaalada Mombasa , waxaa ay soo afjartay Axaddii saacaddu marka ay aheyd 13:03 duhurnimo.

Waa haddii lagu xuso diiwaanka adduunka ee dadka taarikhda cusub sameeyay, waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay oo cunta kariso saacado intaas la eg.

Maliha waxay karisay ilaa 400 oo cuntooyin ah oo kala duwan, waxay qaar kamid ah ugu deeqday xarumaha agoontada lagu xaannaaneeyo.

Waxaa horey diiwaanka adduunka ee cunto karinta u galay, nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo, Rickey Lumpkin kaaso uu cunto kariyay muddo 68 saacadood, 30 daqiiqo iyo 1 ilbiriqsi oo xiriir ah.

Markii la shaaciyay waxay wariyeyaasha u sheegtay in dhibaato badan ay usoo martay guushan ay maanta gaartay isla markaasna ay si weyn ugu faraxsan tahay.

“Lugaha ayaa i xannuunaya, hurddo la’aan ayaa iku dhacday” ayay tiri Maliha.

Barasaabka Gobolka Mombasa, Xasan Cali Joho ayaa u mahadceliyay haweeneyda 36 jirka ah oo noqotay qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo guushan gaaray.