Nin qaliin caloosha ah lagu samaynayay oo ay arrin kale ku dhacday

Bukaan laga qalay caloosha ayaa la sheegay in dhuuntiisa ay ku dheceen ilko macmal ah, taasi oo in la ogaado ay qaadatay muddo 8 maalmood.

72 sano jirkan waxa uu sheeganayay xanuun dhuunta ah marka uu cuntada liqayo.

Wuxuu booqday isbitaallo si qaliinno kala duwan ugu helo dhibkii haystay.

Isbitaalka James Paget ee ku yaala Norfolk, England ayaa sheegay arrinka ninkan uu ahaa mid la yaab leh ayna wax ka qabteen.

Lix maalin ka dib markii qaliin looga sameeyey caloosha, waxa uu tagay isbitaalka isaga oo ka cabayana qaadasha cuntooyinka.

.

Dhakhaatiirta isbitaalka Gorleston waxa ay rumaysanyihiin inay arrintan sababtay markii bukaanka la siinayay daawooyinka ka hor inta aanan qaliinka lagu sameyn.

Ka dib markii uu ninkan isbitaalka ku laabtay, muddo laba maalmood, dhakhaatiirta waxa ay eegeen dhuuntiisa, waxayna ku arkeen ilko macmal ah oo ku taagan.

Dhakhatiirta waxa ay go’aansadeen inay qaliin kale ninkan uga sameeyaam dhuunta.

Qalliinka ayaa halis geliyay noloshiisa, wuuna dhiig baxay taas oo sababtay inuu u baahdo in dhiig lagu shubo.

Isbitaalka James Paget

Hazel Stuart, madaxa isbitaalka ayaa sheegay inay bilaabeen baaritan ka dhan ah sida ay arrintan u dhacday.