Warbixin Daawo :- Magaalada Gabiley Oo Ay Ku Soo badanayaan Isticmaalka Gaadiidka Bajaajka Iyo Shaqo Abuur Laga Helay

Gabiley(GNN)Kadib markii  La Aasaasay Shirkadaha Soo Dajiya Gaadiidka Bajaajka Waxa Maalinba Maalinta Ka Danbeysa  Magaalada Gabiley Ku Soo Badanaya Isticmaalka Gaadiidka Mooto Bajaajka,Taasi oo SHaqo Abuur Unoqotay Dhalinyarada Magaalada Ee Mudooyinka Badan Ka Cabanayay SHaqo La,aanta Baahsan,

Isticmaalka Gaadiiidkan Ayaa Magaalada Ka Noqday Adeege Lagu Xisaabtamo Oo Ay Adeegsadaan Qeybaha kala Duwan Ee Bulshada Kuwaasi oo uraaca Afarta Xaafadood Ee Magaalada Gabiley Ka Kooban Tahay Iyo Waliba Deegaanada Ku Xeeran,

Dhalinyarada Magaalada Wadista Mooto Bajaajtu Waxey uqonatay Fursad Ay Kaga Maarmeen Tahriibtii Iyo Barashada Mukhaadaraadka

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Gaadiidkan Mooto Bajaajka Ayaa Soo Shaac Baxay Sanadahii Danbe Waxana Lagaga Raystay Masaafooyinkii Loo Logeyn Jiray,Waxa Si Xawliya U Adeegsada Raacista Bajaajkan Dadka Danyarta Ah Ee Aan Awoodi Karin Ay Taxe Kiraystaan,

Waxa Jira Cabshooyin Ay Dirawalada Bajaajku Qabaan Oo Ku Saabsan Dhanka Wadooyinka,Qaar Ka Mida Wadayaasha Mooto Bajaajka Ee Ka Dhax SHaqeeya Magaalada Gabiley Ayaa Telifishanka Sahan Uwaramay Waxeyna SHeegay In Ay Shaqo Abuur Heleen Isla Markaana Ay Kaga Raysten Camal La,aanta

 

Si kastaba Ha Ahaatee Waxa Soo Xoogeysanaya Suuqyada Lagu iibiyo Mooto Bajaajka Iyo Dhalinyarada Kala Duwan Ee Wadayaasha Ka Noqonaya  Waxeyna Yareynaysaa SHaqo La,aanta Ka Jirta Guud Ahaan Somaliland,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET