Dalalka Carbeed oo cambaareeyay qorshaha Benjamin Netanyahu

Dalalka Carbeed ayaa cambaareeyay qorsha uu Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku doonayo in uu dalkiisa ku daro qayb ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.

Talaadadii ayuu Netanyahu ku dhawaaqay qorshe uu Israa’iil uga mid dhigayo Dooxaxa Urdun iyo waqooyiga Badda Baxrul Mayt, waase haddii uu ku soo laabto xafiiska ka dib doorashada guud ee la qabanayo toddobaadka soo socda.

Masuuliyiinta dalalka Urdun, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ayaa si wayn u dhaliilay ku dhawaaqitaanka Netanyahu.

Jaamacadda Carabta ayaana “tallaabadan halista ah ee soo korodhay” ku sheegtay “weerar gardarro ah”.

Saeb Erekat oo ah dublamaasi Falastiini ah ayaa sheegay in tallaabadaasi ay noqon karto “dambi dagaal” ayna “aasi karto jaanis kaste oo nabad lagu gaari kartay”.

Israa’iil ayaa haysata Daanta Galbeed tan iyo 1967, balse way ka gaabsatay in ay ku dhawaaqdo in ay dhulkeeda ka mid tahay.

Falastiiniyiinta ayaa sheegta in dhammaan dhulkaasi uu yahay dhulka xukuumadda ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Netanyahu ayaa horay ugu adkaysan jiray in Israa’iil ay waligeed joogi doonto Dooxada Urdun arrimo ammaan awgood.