Dareenada Ka Dhashay Laba Wiil Oo Kulamo Ku Qabtay Gobolada Somaliland iyo Xidhoodhkooda Madaxda Somalia.

Hargeisa(GNN):-Labadan wiil ee walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Abubakar Mohamed iyo Cumar Faaruuq ayaa sida la sheegay ah wiilal somaali ah balse ku koray dalalka dibeda, waxaana wiilashan oo inta badan si xad dhaafa u isticmaala baraha bulshada ay mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaayeen safarana  ku marayeen Dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia iyo Somaliland, Waxaana khudbado  oo ay u jeedinayeen bulshada badankoodu ahaayeen kuwo ay kagaga hadlayeen wanaaga isjacaylka iyo alle ka cabsiga iyagoo inta badan baraha bulshada ku faafiya arrimo la xidhiidha Diinta islaamka iyo sunnaha Rasuulkeenii Muxamed SCW,

Magaalada hargeisa oo ay maalmo ka hor yimaadeen ayaa waxay barahah bulshada ku shaaciyeen inay kulan weyn oo ay u qabandoonaan haweenka uu ka dhici doono Hotel maansoor ee magaalada Hargeisa.

Waxaana Kulankaasi oo Ay kasoo qayb galeen Malaayiin Haweenka Reer Somaliland ah oo ay buuxdhaafiyeen hoolka hotelka iyo dibadeba,ayaa halmar waxaa la joojiyey inay Qabtaan Xafladaasi, khudbadna u jeediyaan Haweenka, oo marka la eego xadiga dumarka habeenkaasi yimid qofkasta oo gudaha u galaa uu neef qabatoobayey.

Wallow la sheegay inay xukuumada somaliiland amar ku bixisay inaaney qaban kulankaasi oo daqiiqado yar uun ka hor intii aaney wiilashani bilaabin hadalka ayaa hadda waxaa bartiisa facebookga soo dhigay muuqaal raali galin ah oo uu bulshada kagaga codsanayo inay ka raali ahaadaan baaqashada Xafladaasi.

Sidoo kale waxay labadan wiilan kulamo noocan ah ku qabteen magaalooyinka Borama iyo Jigjiga oo Maalmihii inasoo dhaafay ku sugnaayeen.

Labadan Wiil ee Walaalaha ah Ayaa Hore Magaalada Muqdisho Waxay Kulmo Gooni gooni ah ugula qaateen madaxweynaha dawlada Federaalka ah ee Somalia, iyo Raysal Wasaarihiisa, kuwaas oo buugaag sheegay inay gudoonsiiyeen ay iyagu qoreen.

Tuhunada ka Dhashay Sawiradaasi iyo aragtida ka danbeysay ee ay ka bixiyeen Shacabka Somaliland Ayaa Soo kordhayey ilaa ay sawiro kala duwan la galeen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo Wasiirka diinta iyo Awqaafta jsl.

u Fiirso Labadan Sawir Ka Sare Waxay ku qoreen Somalia, Hargeisa.

Halka Kan Hoose Maalintii ay Dalka Soo galeena Aaney Sheegin In Halka ay Yimaadeen Tahay Caasimada Hargeisa oo Ah Caasimada Somaliland.

Wiilashan ayaa Markii lagu soo dhaweeyey Sawiradan idiin muuqda oo ay soo dhigeen Bartooda Facebook ku Sheegay inay Yimaadeen Magaalada Hargeisa, Balse aan qoraalkooda raacin Hargeisa oo ah Caasimada Somaliland.

Halka Sawirada ay la Galeen madaxda Somalia ay Ku Xardheen Qoraalo Ay Si Cad u Sheegayaan Muqdisho Somalia.

Dareenada ka dhashay wiilashan Marka laga yimaado fikirka diimeed ee ay bulshada la wadaagayaan ayaa Lagu macneeyey inuu jiro qorshe ka duwan kaasi oo ay sidaan Ficiladii iyo Afcaashii Madaxweyne farmaajo iyo maamulkiisa oo Mudooyinkii u danbeeyey shacabka somaliland ka dhex waday Qorshe Mabda’a Somaliweyna oo kuwaas oo marbay ay dhinac kasoo galayeen iyadoo hore xukuumada Somaliland u joojisay Doodo lagu Qabanayey hargeisa oo mashaariico is dhexgalka ah lagaga Soo qaatay Somalia, iyo dawlada farmaajo.

Qorshaha dhabta ee ay wadaan labadan Wiil ayaa La xaqiijiyey inuu Xidhiidh toosa la leeyahay isku dayadaasi hore ee ay soo maleegeen Madaxda dawlada fadhiidka ah ee somalia.

Ilaa Hadda Ma jiro War Rasmiya oo kasoo baxay Dhinaca Dawlada Somaliland iyo Laamaha Amaanka oo bulshada si dhaba ugu iftiiminaya Xaqiiqada Safarka wiilashan oo Kulamo Ka dhexwada bulshada Jamhuuriyada Somaliland.

Hargeisa Somaliland
Contactgabileynews@gmail.com