Dil Argagax Leh Oo la Xidhiidha Arimo Jaceyl Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho.

Xaafad katirsan degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa caawa ka dhacay dil argagax leh oo la sheegay in uu salka ku hayay jaceyl u dhaxeeyay wiil iyo gabar dhalinyaro ah .

Sida aan wararka ku helnay wiilka iyo gabadha xiriirka ka dhaxeeyay oo meel wada fadhiyay ayaa waxaa si lama filaan ah ugu yimid wiil la dhashay gabadha oo ka careesnaa xariirka lamaanahan ka dhaxeeyay.

Wiilkii goobta yimid ayaa durba canaan iyo garaacis ku bilaabay walaashiis, waxaana arintaasi la sheegay in uu u adkeesan waayay wiilka xiriirka kala dhaxeeyay gabadha oo damcay in uu gabadha ka qabto walaalkeed.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in wiilka gabadha la dhashay uu wiilka kale markii uu damcay in uu ka qabto caloosha ka galiyay maqas uu watay, taas oo sababtay in wiilka dhiiga ku hooro si deg deg ah u geeriyoodo.

Ciidamo booliis ah ayaa yimid goobta uu ka dhacay dilka argagax lahaa, waxaana si deg deg ah goobta uga baxsaday ninkii dilka u geestay wiilkii xiriirka kala dhaxeeyay walaashiis, waxaana baadi goob ugu jira gacan ku dhiiglaha ciidamada booliiska.

Dhacdadan ayaa noqotay mid argagax badan ku beerta dadka degan Degmada Xamar Weyne, waxa ayna dhacdadan caawa dhalisay hadal heyn badan iyadoona dadku siyaabo kala duwan arintan uga hadlayaan.