Facebook oo hakiyey tobannaan kun oo App

Shirkadda Facebook ayaa shaaca ka qaadday iney hakisay tobannaan kun oo App. Wixi ka dambeeyey fadeexaddi Facebook ee la xidhiidhay baaritaanki Cambridge Analytica iney go’aankaasi qaadatay.

Wixi ka dambeeyey marki Facebook dhaleeceyn loo soo jeediyey 2018-kii inuu Cambridge Analytica ay xogta dadka Facebook isticmaasho oo ay khiyaameysay, waxaana shirkadda dhinacya badan uga imanayey cadaadis xooggan.

Cambridge Analytica waxay xogaha dadka ay jabsata la sheegay iney u isticmaaleysay ii dhahyada siyaasadeed.

Waxaana shirkadda Facebook xilligaasi la ganaaxay 5 bilyan oo doolar, taasoo ka dhigeyso shirkaddi lagu ganaaxo lacagti ugu badneyd ganaaxaasiu ku muteysata xogha dadka oo ay jabsatay.

App ay xayirtay waxay sheegtay iney ka mid yihiin kuwo xogaha shaqsiyaadka Facebook isticmaala jabsada oo si khaldan u baahiya ama u soo bandhiga.

Waxaa ka mid ah App loo yaqaanno ‘My Personality’ oo xogaha dadka u sii gudbin jiray dadka baaritaannada kala duwan sameeya.

Facebook marki ay ku badatay cambaareynta caalamka uga imaneyso, wuxuu billaabay inuu qaado tillaabbooyin ay ku ilaalineyso xogaha shaqsiyaadka.

Waxayna Facebook in mudda ah ay wadday baaritaan arrimahan la xiriiro oo ay ka howl gelisay boqollaal kuhabro oo isugu jira qareenno, injineerro iyo Khubarada baaritaannada ilaalinta xogaha.

Balse Facebook waxa ay ka gaabsatay tirada App ee intaa le’eg ee ay hakisay waxa ay yihiin iney faahfaahin ka bixiso.