Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Gaalkacyo:- Dab Burburiywy Warshad Soo Saarta Joodariyadda

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in xalay dab xoogg leh uu ka kacay goob ganacsi oo ku taala Koofurta magaalada, iyadoo saqdii dhexe ee xalay lagu guuleystay daminta dabkaasi.

Dabka ayaa sida aan wararka ku haleyno ka dhashay warshad soo saarta Joodariyaasha ama isbuunyada oo ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxa uuna bilaawday xalay Abaaro 09:00am habeynimo, iyadoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo sheegin waxa dhaliyay dabkaas.

Dad weyne badan ayaa xalay iskugu soo baxay sidii loo xakameyn lahaa dabkaas, iyadoo lasoo sheegayo in damin dabkaas ay qaadatay mudo saacado ah, maadaama koonfurta magaalada Gaalkacyo aysan lageyn gadiid dab damis ah.

Muddo kadib ayaa waxaa la sheegay in gadiid dab damis ah oo laga soo diray dowladda Hoose ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ay ku guulaysteen daminta dabkaas.

Si rasmi ah looma sheegin waxa uu ka dhashay dabkaas sidoo kale waxaan si dhab ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaas lamana soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

%d bloggers like this: