Maxaaa U Sabab Ah In Madaxweyne Biixi Mar Kasta Oo Uu Gobolada Galbeedka U Baxo Uu Habeeno Ku Dhaxo Gabiley. Faallo.

Borama(GNN):-Shacabka Ku Nool Gobolka awdal ayaa si aada guux iyo dareen  ugu abuurtay, warar sheegaya in madaxweyne biixi uu ka qayb galidoono maalinta barrito ah  Qalinjabinta Jaamacada Camuud, taas oo ilo xogogaal ahi sheegeen in madaxweynuhu kusoo guryo noqon doona magaalada gabiley halkaas oo uu u hayan doono hal ama laba habeen.

Iswaydiinta layaabka leh ayaa ah Sababta wakhtigan keentay in madaxweyne biixi markasta oo uu gobolada galbeedka u baxo, uu habeeno ugu nasto gobolka gabiley, taas oo dadka siyaaasada falanqeeyaa ku tilmaameen ka dhawaysasho uu ka dhaweysanayo gobolada kale ee dalka. 

Todobaadkii ugu danbeeyey ayaa waxaa ka taagnaa gobolka awdal dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadeen masuuliyiin iyo siyaasiyiin shirar kala duwan ku qabtay gudaha magaalada borama, Waxaana shaki weyn laga qabi karaa, In Dareenada ay qabaan bulshada gobolka awdal sababi karaan kuwo waftiga madaxeweynaha lagala horyimaado kacdoono caadifadaysan.

Dareenada ka dhashay sababaha madaxweyne biixi aanu inta badan ugu hoyan gobolada kale ayaa dadka qaar ku macneeyey Reernimo iyo qaraabiil aanu kalsooni ku qabin inuu wakhti la qaato Bulshada gobolada kale ee dalka.

Inta La ogyahay Siyaasiyiinta gobolaka awdal ayaa Mudooyinkii u danbeeyey si aad uga soo horjeeday in lagu galo doorashada dalka ka qabsoomidoonta Saami qaybsigii hore ee doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaankan, iyadoo aaney ilaa hadda jirin go’aan ama mawqif cad oo kasoo baxay laamaha kala duwan ee dawlada haddii ay tahay golaha sharci dajinta, xukuumada iyo Gudida doorashooyinkaba.

Sikastaba ha ahaatee haddii ay timaado qorshaha bulshadu iswaydiinayso ee ah In madaxweynuhu habeeno u hoyan doono gobolka gabiley ayaa noqonaya Su’aal in badan ay is waydiin doonaan bulshada Reer somaliland,halka ay Madaxweyne biixi oo gobol ahaan ku abtirsada gabileyna ku noqon doonto mida laga sugayo Jawaabteeda iyo Waxa uu ku qanciyo shacabkiisa, maadaam aaney wakhtigan ka jirin wax dhib ah ama xaalad siyaasadeed oo madaxweynaha ku khasabta inuu ku dhaxo gabiley.

  Awdal Office
Gabiley News Network