Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Weerar Uu Ku Soo Qaaday Jose Mourinho

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka jawaabay eedeymaha uu Jose Mourinho u soo jeediyay kooxda ka dib guuldaradii West Ham.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Jose Mourinho uu xaq u leeyahay fekerkiisa ka dib markii uu si xun uu qiimeeyay guuldaradii Manchester United ee West ham.

Mourinho oo ciyaarta ku daawaday istuudiyaha Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in Man United aysan wax horumar ah sameynin tan iyo markii la ceyriyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa hadalkiisa raaciyay inuusan la yaabin natiijada madaama uusan ku qancin qaab ciyaareedka kooxda.

Mourinho ayaana si lama filaan ah u qirtay inuu u qalmay in la ceyriyo bishii December ee sannadkii hore.

Mourinho ayaa yiri: “Waa la ii ceyriyay, waana u qalmay in la ii ceyriyo, laakiin xaqiiqda ayaa ah inay ka xun yihiin sidii hore.

“Wax fiican oo laga qaadan karo kulankii maanta? maya.

“Waan xumeyn xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin uma jeedo wax horumar ah xilli ciyaareedkan.

“Waan jecleystay seddexda saxiix, waxay tayo ku soo kordhinayaan kooxda.

“Laakiin kooxda marka ah koox ahaan loo eego ma ahan mid aan jecleystay.

“La yaab iguma ahan natiijada maanta.”
Solskjaer ayaa wax laga weydiiyay hadalka Mourinho shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

“Waxaan qabaa inuu xaq u leeyahay fekerkiisa.

“Dabcan guuldarro ayaa nagu soo gaartay halkaan sannadkii hore, mar walba waa garoon ay adag tahay in la booqdo, waxaana rajeyneynaa inaan sameyno wax ka fiican wixii aan sameynay.

“Fursadihii ay heleen waa ay ka faa’ideysteen anagana kama aanan faa’ideysan.

“Labo dhameystir oo fantastik ah, kama aanan faa’ideysan fursadihii ina soo maray.”