Sheekh Aadan Siira Oo Abaal Marino Gudoonsiiyey 15kii Arday Ee Ugu Sareeyey Jaamacada New Generation.

Hargeisa(GNN):-Sheekh aadan Maxamuud Xiir “Aadan Siira” Oo Kamida Culimada Waaweyn ee reer somaliland oo ka qaybgalay munaasibada Xaflada qalinjabinta jaamacada New Generation oo lagu qabtay gudaha caasimada hargeisa, ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbad la xidhiidha dardaaran iyo dhiirigalin uu la wadaagay dhalinyarada maanta ka qalinjabisay jaamacada,isagoo sidii kale bulshada somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan Nabadgalyada iyo Amniga oo ah ka saamaxaya in si fudud qofwalba wax u barto. 

Waxaana Sheekh oo Xafladan Khudbad kooban ka jeediyey uu Ardayda ugu Bushaareeyey inuu Gudoonsiinayo Amaal marino kala duwan oo isugu jira musxafka quraanka kariimka iyo kutub kale 15 arday ee ugu sareeyey Ardayda dhamaysatay maanta Jaamacada ee Lag gudoonsiinayey shahaadooyinka, Sidoo Kale waxaa uu sheekh kafaalo qaaday laba arday oo wiil iyo gabadh ah inuu ka bixinayo kharashka  Deeq Waxbarasho ee Scholarship ah ilaa heerka ay ka gaadhayaan PHD.

Waxaana Sheekh Aadan Siira oo Ka hadlayey Arrintaasi Sheegay in Shuruuda kaliya ee Ay ku Xidhayaan tahay Deeqdaasi Waxbarasho ee labada qof Wiilka iyo Gabadha inuu Yahay Qofka ugu  Quraan Xafidka Wanaagsan  Jaamacada Ardayda Dhamaysatay maanta.

Talaabadan sheekh Aadan Maxamuud Siira Oo badi aan hore uga dhicin jaamacadaha kale ee dalka ayaa noqonaysa mid uu ku dhiirigalinayo Ardayda iyo da’yarta waxbarashada u heelan.

Waxaana Sheekhu Sanadkan sanadkii ka horeeyey ardaydii ka qalinjabisay jaamacadan uu Damaanad qaaday labadii arday ee ugu sareeyey Jaamacada Kuwaas oo uu ka bixiyey Waxbarshada heerka Labaad ee masterta, taas oo uu sheegay inuu kafaalo qaadayo ilaa haddiii ay dhamaysanayaan PHD.

Halkan Ka Dhaawo Sheekh Oo Arrintaasi Ka Hadlaya.

 

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com
Axmed Almis.