Daawo :-Dibadbaxayaal Gadoodsan Iyo Boolis Ku dagaalamaya Barcelona

Dibadbaxyo rabshada wata ayaa ka qarxay magaalada Barcelona kadib markii Maxkamadda Sare ee Spain ay sagaal ka mid ah hogaamiyeyaashii gooni u goosadka Catalonia ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 9 iyo 13 sano.
Gooni u goosatada waxaa lagu helay qayaano ah doorkii ay ku lahaayeen afti madax banaani sarci darro ah oo la qaaday sanadkii 2017-kii.
Sadax kale ayaa lagu helay dambi ah in ay sharciga u hogaasami diideen waana la ganaaxay balse lama xirin. Dhamaan 12 ka qofka waa ay diideen eedaha loo jeediyay.
Dad badan oo madaxbanaani doon ah iyo ciidanka Booliiska ayaa agacanta isula tagay iyagoo joogay garoonka caaalamiga ah ee Barcelona.
Muuqaal lasoo duubay ayaa muujiyay dad isku dayay in ay jiiraan ciidanka Booliiska oo wadada xiray si aysan dadku dhismaha ugu gudbin halka ay saraakiishuna dadka ku garaacayeen ulo iyo gaas si ay ukala eryaan.
Wadar ah 108 duulimaad ayaa dibadbaxyadda dartood loo baajiyay, sida ay sheegeen masuuliyiinta duulimaadka rajidka ah ee Spain.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET