Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo :-Guddi Guurtidu U Saartay Khilaafka W/Waxbarashada Iyo Dugsiga Gaarka Ah Oo War Soo Saaray

Hargeysa(GNN)Guddi uu dhawaan Golaha Guurtida Somaliland u saaray inuu Xal ka gaadho Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, ayaa saaka War-bixin siiyey Gole-weynaha Guurtida.

Xildhibaannada Guddiga ah oo muddo toddobaad ah ku mashquulsanaa sidii ay xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Xeer nidaamiyaha cusub u cuskatay inaan Deeqaha Waxbarashada ee Itoobiya siisay Somaliland aan lagu darin Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka ah.

Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiga gaarka ah ayaa bilaabmay markii dugsiyada gaarka ah laga reebay 400 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, kuwaasi oo lagu koobay Ardayda Dugsiga Dawladda Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay Sharci-darro ah qorshe ay Wasaaradda Waxbarashadu ku doonayso in Dugsiga gaarka ahi ay sannad kasta Wasaaradda iska soo diwaangeliyaan, qorshahaasi oo ay diidan yihiin Dugsiyada gaarka ah.

Guddiga War-bixinta siisay Guurtida ayaa Guddoomiyaha Golahaasi uu arrintan u saaray, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka ahi ay cabasho ula tageen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET

%d bloggers like this: