Dawlada Turkiga Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hanjabaad Uga Timid Madaxweyne Donald Trump.

Ankara(GNN):-Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ka falceliyay hanjabaaddii uu madaxweynaha Mareykanka u jeediyay waddankaas ee ku aaddaneyd howlgallada uu turkiga qorsheynayo inuu ka fuliyo Suuriya, sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Waddankeennu ma aha dal ay edeb bari karaan talisyo shisheeye mana aha waddan jilbaha u dhiganaya waddan kale”, sidaas waxaa yiri Levent Gok, oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Turkiga.

Isagoo hoosta ka xarriiqay in Turkiga uu yahay waddan madax bannaan, ayuu Gok sheegay in dalkiisu “uu xal u heli karo dhibaatooyinkiisa gaarka ah”.

“Mareykanka iyo dalalka kaleba waa inay ogaadaan in Turkiga uu wali heysto qalabka iyo dadnimada uu isagoo xorriyaddiisa raadinaya kula dagaallamay boqortooyooyinkii hore”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii ku gooddiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay xukuumadda Ankara tallaabo uu ku tilmaamay “inay ku xadgudubto Suuriya”, xilli uu jiro qorshe ay Turkiga ugu diyaar garoobayaan howlgal ay ka fulinayaan waqooyiga Suuriga.

.Dad badan ayaa ku barakacay dagaalka Suuriya

Ankara ayaa dooneysa inay halkaas ka abuurto khad ka caaggan dagaallada oo loogu talagalay in hoy looga dhigo dadka qaxootiga ah.

“Sida aan horayba si adag ugu sheegay, haddana aan ku celinayo, haddii Turkigu ay sameeyaan wax kasta oo aniga, caqligeyga weyn aan ugu arko inuu xad gudub yahay, waxaan si buuxda u burburin doonaa dhulkana la simi doonaa dhaqaalaha Turkiga(sidaasna horay waan u sameeyay)”, ayuu yri Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriga

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli uu dhawaan madaxweyne Trump ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ee Suuriga ku sugan laga soo saari doono.

Go’aanka uu Trump ciidammadiisa kula soo baxay waxaa xitaa si weyn u cambaareeyay masuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.

Kurdiyiinta ayaa bixitaanka ciidammada Mareykanka ku tilmaamay inay tahay “waran dhabarka uga dhacay”

Dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa ku doodaya in bixitanaka ciidammada Mareykanka ay ka dhigtay Kurdiyiinta kuwa u nugul weerar uga yimaada Turkiga oo kooxdan u arka inay tahay argagixiso.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in “la dhameystiray diyaargarowga howlgallada xasilinta gobolka oo muhiim u ah nabadda Suuriya iyo deriskeeda”

Balse Mr Trump ayaa uga digay Turkiga inaysan ka faa’iideysan go’aankiisa ku aaddan la bixitaanka ciidamada Suuriya ka jooga.

Turkiga iyo Mareykanka oo ka wada tirsan isbahaysiga NATO ayuu dhawaanahan xiriirkooda soo xumaanayay.