Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

DEG DEG: Dhabbaha diyaaradaha garoonka Aadan Cadde oo la xiray kadib shil diyaaradeed

Muqdisho(GNN):-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay kusoo dhacday diyaarad.

Wararka ayaa sheegayo inay diyaaradaan ay awoodi weysay inay lugaha fidsato sidaas darteedna ay xabadka ku dhufsatay laamiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.

Diyaaradda ayaa hadda dhex taalo Dhabaha ay kusoo dagaan Diyaaradaha, waxayna taas keenta in la xiro lana joojiyo diyaaradihii soo dagi lahaa.

Ilaa hadda lama helin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan Diyaaradda daqiiqado ka hor kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde ee awoodi weysay inay fidsato lugaha.

Wixii kusoo kordho warkaan kala soco Caasimadda Online.

 

 

%d bloggers like this: